Wasiir Islow: “4; Qodob haddaanay dhicin laamaha ammaanka ayay fashil ku tahay”

Wasiir Islow: “4; Qodob haddaanay dhicin laamaha ammaanka ayay fashil ku tahay”

daajis.com:-Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed ABuukar Islow Ducaale; ayaa maanta faray laamaha amniga ee Muqdisho in ay shaqeeyaan maalinta Jimcada ah ee soo socota’ islamarkaan Axadda ay u keenaan sababta loo qaban waayay dadkii weerarka ka geystay Jidka Via Roma ee degmada Xamarweyne shalay, kuwaas oo  dilay Wiilkii guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuul Gaballe iyo Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xersi.

Wasiir Islow ayaa 4; qodob haddii aanay dhicin ku tilmaamay arrin fashil ku ah laamaha nabadgelyaada, kwaas oo kala ah

In maalinka  Axadda haddii la keeni waayo 4; Askari oo ka maqneyd Isgosyka Via Roma, iyo sababta ay uga maqnaayeen shaqada ay saraakiil badan galaan xabsi
  • In  la helo sababta loo qaban waayay dadkii weerarkaas geystay, haddii kalana ay xilka ku waayi doonaan madax uu wasiir Islow kamid yahay
  • In la caddeeyo sababta uu u baxsaday gaariga laguu adeegsaday weerarka iyada oo ciidanka y u xiran yihiin illaa KM5
  • In la sheego sababta aanay u difaacin askartii joogtay xilligii weerarku dhacay
  • Waxaa uu intaas raaciyay in Hay’adaha amniga ay fashil ku tahay in Xamarweyne dil inta lagu geysto lana baxsado isaga oo xusay in ilaa KM5 ay Ciidamada u xiran tahay islamarkaana Gaari kasta ay qasab ku tahay in uu maro Waddamada Laamiga ah ee ay Ciidamada joogaan.

Wasiirka ayaa Taliska Booliska ka dalbaday in ay meel ku sheegaan 4 ka mid ah 7 Askari oo ku qornaa amniga Isgoyska Via Roma oo xilliga weerarka dhacayay maqnaa,halka saddexda joogtayna aysan ka jawaabin.

Wasiir Islow waxaa uu ka hadlayay Xarunta Jen Kaahiye oo maanta lagu soo bandhigay3;Qof oo lagu eedeeyay in ay Dukumiintiyo been abuur ah daabacayeen,kuwaas oo amniga magaalada dhibaato ku hayay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada