Xildhibaanadii tagay Cadaado oo guul weyn gaaray iyo madaxdii is khilaafsanaa oo miiska qadada lasoo wada fadhiisiyey

Xildhibaanadii tagay Cadaado oo guul weyn gaaray iyo madaxdii is khilaafsanaa oo miiska qadada lasoo wada fadhiisiyey

daajis.com:- Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Cadaado ka imaanayo ayaa sheegayo inay Xildhibaanadii halkaas tagay maanta gaareen guushii ugu horeysay ee ololaha ay ku doonayaan in la badbaadiyo Maamulka Galmudug.

Waxaa soo dhamaaday wajigii koowaad ee kulamadii ay Xildhibaanada la yeelanayeen dhinacyada is khilaafsan, waxay markii hore kulamo gaar gaar ah la yeesheen labada dhinac.

Markaas kadib waxaa Magaalada Cadaado ka dhacay kulan aad la isugu soo dhawaaday oo la isugu keenay seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Galmudug ee uu Khilaafka ka dhaxeeyo, waxaaxna lagu wada qadeeyey miiska wadahadalka, waxayna arrintaas noqotay guushii ugu horeysay oo ay gaareen labada dhinac.


Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo bartiisa Facebook soo qoray ayaa sheegay in wajigii hore ee shirkaas laga gaaray guul ayna soo socon doonaa kulamo kale oo laga sii bilaabi doono halka uu wadahadalka marayo.




Kulamadaan ayaa la filayaa inay siis socon doonaan ilaa caawa isla markaasna la filayo in war murtiyeed iyo heshiis ay labada dhinac gaareen laga soo saaro.

10-ka Xidhibaan ee Cadaado tagay oo isugu jiray Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose weliba kasoo wada jeedo deegaanadaas ayaa dadaalkii ugu dambeeyey ku bixinayo in la badbaadiyo Galmudug.

Wixii warar ah ee soo kordha la soco

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada