DAAWO VIDEO: Madaxwayne Farmaajo Oo ku dhowaaqay dagaal Iyo NAFTIISA inuu Hurayo Iyo Dar-daarankii Ciidanka

DAAWO VIDEO: Madaxwayne Farmaajo Oo ku dhowaaqay dagaal Iyo NAFTIISA inuu Hurayo Iyo Dar-daarankii Ciidanka

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.


Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe.

“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”

Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada