Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya oo ka joojisay lacagihii ay siin jirtay bil kasta Maamul Goboleedyada Dalka

Dowlada Dhaxe ee Soomaaliya oo ka joojisay lacagihii ay siin jirtay bil kasta Maamul Goboleedyada Dalka

daajis.com:- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay lacagihii ay siin jirtay bil walba Maamul goboleedyada ka jira dalka.

Qoondada lacag bileedka la siiyo Maamul goboleedyada ayaa gaareysay $150,000 (Boqol iyo konton kun oo dollar), waxaana lacagtan ay toos ugu dhaceysay jeebka Madaxda maamul goboleedyada.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan ku soo rogtay in Maamul goboleedyada inay keenaan xisaab xirka lacagihii horay loo siiyay, kaddib markii ay su’aal badan ka timid qaabka lacagahaas lagu maareeyay.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka dalbatay Wasaaradaha maaliyada maamul goboleedyada inay keenaan miisaaniyadda ay ku shaqeynayaan, si qoondada lacageed ee dowladda bil walba bixiso ay qeyb ugu noqoto.

Labadii bil ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in la hakiyay lacagaha si toos ah maamul goboleedyada loo siin jiray, balse maamulka Hirshabeelle ayaa ahaa maamulkii u horeeyay ee laga hakiyay lacagahan bilihii June iyo July, xilligaas waxaa madax ka ahaa Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Hakinta lacagahan ayaa ka dambeeyay markii Xildhibaanada Hirshabeelle ay qeyla dhaan ka keeneen mushaar la’aan iyo in aanay jirin xafiisyo ay ku howl galaan Wasaaradaha maamulka, halka Wasiirada iyo madaxda ay noqdeen kuwo shaqadooda Laptop kaliya ku eg oo aan xafiis laheyn.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Muqdisho u joogay maalmihii la soo dhaafay, sidii loo fasixi lahaa lacagihii laga hakiyay, oo ay ku jirto labadii bilood ee uu joogay Cali Cosoble.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay la xisaabtanto maamul goboleedyada, gaar ahaan fulinta mashaariicyo taagan oo aan wali la fulin, iyo arrimo kale oo maaliyadeed, sida mushaaraadka Xildhibaanada, Ciidamada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Wasaaraddaha Maaliyadda ee Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay maamuli doonaan lacagaha qoondada bilaha, isla markaana ay keenaan qorshe howleed iyo xisaab xir, si aanay mar dambe lacagaha loogu gacan gelin Madaxda maamul goboleedyada.

Dad badan ayaa aaminsan in arrintan ay yareneyso awoodaha xad dhaafka Madaxda dowlad goboleedyada qaar oo ah kuwo xilligan siyaabo kala duwan u adeegsada lacagaha qoondada bilaha ee dowladda Dhexe bixiso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada