MUUQAAL: Cali Guray oo ku Hanjabay Dagaal uu Dhiig ku daato Iyo ololaha Doosharada S.land oo meel xun maraya

MUUQAAL: Cali Guray oo ku Hanjabay Dagaal uu Dhiig ku daato Iyo ololaha Doosharada S.land oo meel xun maraya

daajis.com:- Siyaasiga Cali Guray oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, Horeyna uga mid ahaa Jabhadii SNM ayaa wuxuu Isagoo la hadlay Taageerayaasha Muuse Biixi ku Hanjabay inuu Bilaabi doono dagaal uu dhiig badan ku daato.


Wuxuu sheegay inaysan ka dul qaadan doonin in la sheegin inuu Muuse Biixi yahay dagaal Ooge, Isagoona Xisbiga Wadani ugu dhaartay inuu dagaal la geli doono hadii ay dib arintaasi u sheegaan.

“Haku Noqonina taariikh Xun, Ma dhaliil kale ayaad u waydeen Muuse Biixi, Hadii aad dib u soo Hadal qaadaan oo aad Tidhaahdaan Muuse Biixi waa dagaal Ooge, oo aan Afkiina ku Maqlo maalin dambe, waxaan Balan ku galay Dagaalkii Berbera ka dhacay 1992 inaan Anigu ka Bilaabo Hada”. ayuu yidhi Cali Guray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada