MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga isgaarsiinta dalka iyo Waxuu ka dhigan yahay oo laga hadlay

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga isgaarsiinta dalka iyo Waxuu ka dhigan yahay oo laga hadlay

daajis.com:-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga Isgaarsiinta ee dalka, kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Aqalka Sare, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha shacabka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Xildhibaano iyo bulshada rayidka.

Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hase ahaatee Baarlamaanka 10aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigan.

Golaha shacabka iyo Aqalka sare ayaa bishii August ee sanadkan meel mariyay sharcigan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.


Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Munaasabada uu ku saxiixay sharcigan ayaa sheegay in sharcigan aanu wax sahlan aheyn, isla markaana shaqo aad u fara badan la geliyay, waxaana uu u mahad celiyay dhinacyadii gacanta ka geystay.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada laga akhriyay faafinta rasmiga ah ee Madaxweynaha ka soo saaray sharcigan oo noqonaya mid dhaqan gala wixii maanta ka dambeeya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada