MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Gobalka

MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay kana warbixiyey Safarkiisii Gobalka

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in dalalka deriska uu kala hadlay sidii ciidamada xoogga dalka ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.


Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhamaan Madaxda dalalkii uu booqday ay isku afgarteen in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab, isla markaana loo midoobo dagaalka lagu qaadayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 ruux ay muujineyso sida Al-Shabaab ula dagaalamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in aan Al-Shabaab loogu dulqaadan doonin gurmaadka ay shacabka ku heyso, isla markaana ay dowladda ka go’an tahay in Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo booqasho qaadatay saddex cisho uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda dalalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday dagaal ay la galeyso Al-Shabaab, isla markaana heegan la geliyay ciidamada dowladda.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada