MUUQAAL: RW. Khayre oo la kulmay Madaxwayne ERDOGAN, Booqdayna Dhaawacyadii la geeyay Turkey

MUUQAAL: RW. Khayre oo la kulmay Madaxwayne ERDOGAN, Booqdayna Dhaawacyadii la geeyay Turkey

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqday dadka dhaawaca ah ee lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Ankara kuwaasoo ku dhaawacmay qarax ka dhacay 14kii bishan magaalada Muqdisho.


“Walaalaheena Turkiga waxa ay na garab istaageen markii aan u baahnayn.”ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre xilli uu booqanayay isbitaalka Ankara Numune Hospital.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa mid mid u dul tegey bukaanada dhaawaca ah waxana uu xaaladooda caafimaad uu wax ka weydiiyay dadkii la socday bukaanada iyo weliba dhakhaatiirta isbitaalka,bukaankii awoodi karay inuu hadlana waxa uu ka wareysanayay xaaladiisa.

Kahor inta uusan booqan isbitaalka lagu daweynayay dadka dhaawacyada ah ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaare Binali Yildirim iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal,gobolka iyo guud ahaan caalamka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada