Daawo: Trump oo Khudbad u Jeediyey Baarlaamka Kuuriyada Koonfureed iyo Digniintii Kuuriyada Waqooyi

Daawo: Trump oo Khudbad u Jeediyey Baarlaamka Kuuriyada Koonfureed iyo Digniintii Kuuriyada Waqooyi

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka niyuukleerka.


Trump ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi. Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa hogaamiyaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.

Madxaweyne Trump oo lagu wado inuu usii gudbo dalka Shiinaha ayaa baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada