Halis cusub: Sacuudiga oo Kenya ku cadaadineysa hanashada Badda Somalia (Akhriso)

Halis cusub: Sacuudiga oo Kenya ku cadaadineysa hanashada Badda Somalia (Akhriso)

daajis.com:- Dowlada Sacuudiga ayaa Kenya ku cadaadineysa hanashada Badda Somalia, gaar ahaan qeybta uu muranka ka taagan yahay

Qoraal kooban oo boqortooyada Sacuudiga ay u dirtay Madaxweynaha Kenya ee xilka lagu heysto Uhurro Kenyatta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in kiiska Badda Somalia uu yahay mid ay fududeyneyso Sacuudiga.

Qoraalka oo qarsoodi ahaa ayaa u dhexeeyay Boqor Salmaan iyo Uhurro Kenyaatta ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga ay faragalin ku sameysay kiiska Badda ee weli horyaal Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Waxaa qoraalka lagu muujiyay in Kenya laga doonaayo inay ka faa’iideysato qeybaha kala duwan ee Shidaalka ku jira Badda Somalia, iyadoo laga faa’iideysanaayo faragalinta Sacuudiga.

Waxaa lagu cadeeyay qoraalka Heshiis horay u dhexmaray Sacuudiga iyo Kenya oo ku taariikheysan sanadii 2013, kaa oo ku qotomay in labada dowladood ay isla garteen in Somalia loogu awood sheegto Badda laga heysto.

Sidoo kale, waxaa qoraalka cusub lagu xasuusiyay Kenya in Kheyraadka kasoo baxa Badda Somalia ee qaniga ku ah Shidaalka 20% ay lahaan doonto Sacuudiga oo iyadu dusha saaran doonta fududeynta kiiska Maxkamada iyo dhaqaalaha ku baxaaya qodista Shidaalka.Heshiiska Sacuudiga iyo Kenya ee dhacay sanadii 2013-ka ayaa waxaa kamida ahaa:-

1-In Somalia laga cuuryaamiyo kheyraadka ku jira Badda iyo Bariga.

2-Isticmaalka Shidaalka ku jira Badda Somalia qeybta ay heysato Kenya.

3-In muddo 8 sano gudahooda lagu soo afjaro muranka Badda Somalia laga bilaabo xiliga uu dhacay Heshiiska ee ah 2013, iyadoo laga faa’iideysanaayo khilaafyada ka dhex jira Soomaalida.

4-In la isticmaalo awoodo diblumaasiyadeed iyadoo la adeegsanaayo Madaxda Gobolada Soomaalida iyo Dowladaha gacanta kula jira Siyaasada Somalia.

5-In la dheereeyo mudada ay Somalia gacanteeda kusoo laaban karto Badda, iyadoo wixii intaa ka horeeya siyaabo kala duwan looga sii faa’iideysan doono Kheyraadka.

Dowlada Kenya oo hadda dhex dabaalaneysa kacdoono Siyaasadeed ayaan weli ka jawaab bixin qoraalka bilowga Bishaan uga imaaday boqorka Sacuudiga ee leysku xasuusinaayay Heshiiskii dhacay 2013-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sacuudiga oo lagu sifeeyo mid aad uga soo horjeeda horumarka dowladaha Islaamka ayaa dhaqaale iyo maskax ku bixineysa sida Somalia looga cuuryaamin lahaa dhinac waliba oo ay ka heli karto kheyraadka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada