Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka “Muuse Waa Nin Xog ogaal u ah Jamhuuriyadda Soomaaliya”.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka “Muuse Waa Nin Xog ogaal u ah Jamhuuriyadda Soomaaliya”.

daajis.com:- Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo warbaahinta Maanta Muqdihso kula hadlay ayaa soo dhaweeyey Doorashadii Somaliland ka dhacday, iyo Guusha uu ka gaaray Xisbiga Kulmiye.

Waxa uu sheegay in Doorashada ay Saddexda Xisbiga iyo Dadka Deegaanada Maamulkaasi ay ka heleen ilbaxnimo, isla markaana ay tahay Guul usoo hoyatay.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay kusoo beegan tahay doorashada qof iyo codkii ee la filayo 2020 ama 2021-ka, Cashirne looga qaadan karo Doorashadaasi.

Shacabka ayuu sheegay in ay ka tuusaaleysan karaan sida loo doorto Qofka ay rabaan, Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, isla markaana Waqti Xileedkiisu yahay 5-ta Sano Soo socoto.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ku tilmaamay in uu yahay qof xog ogaal u ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxa uuna ka rajeeyey in uu sii wado Wadahadala Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Kaalin muhiim ah ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Muuse in uu ka qaadan karo wada hadalkaasi, isagoona ka dalbaday in uusan seerin Fursadda sida uu hadalka u dhigay.
Muuse Biixi ayaa ku guueleystay Doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Deegaanada Somaliland, waxaana Natiijadii lagu dhawaaqay 21-kii November oo Shalay ku beegneed Ku guuleystay Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada