MUUQAAL: Madaxwaynaha Masar oo Itoobiya si adag ugu Hanjabay, Kuna dhowaaqay Nolol ama Geeri

MUUQAAL: Madaxwaynaha Masar oo Itoobiya si adag ugu Hanjabay, Kuna dhowaaqay Nolol ama Geeri

daajis.com:-  Dowlada Masar ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaci doonto dowlada Ethiopia oo ay ku muransan yihiin Wabiga Nile.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax al-Siisi, ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlaayay Saxaafada dalka Masar, waxa uuna tilmaamay inEthiopia ay ku dadaaleyso leex sashada Wabiga.

Wuxuu uu tilmaamay inaysan aqbali doonin in lagu xadgudbo qeybta ay ka leeyihiin Wabiga, haddii ay taa dhacdana ay qaadi doonaan talaabo adag.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowlada Ethiopi ay dooneyso inay leexsato Wabiga Nile, balse dowladiisa ay kasoo horjeedo isla markaana ay diyaar u tahay inay iska caawiso dowlada xadgudubka u bareertay ee Ethiopia.


Wuxuu heegay in shacabka Masar ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusho, una muuqata in ay doonayaan in ay qaataan qeyraadka ay leeyihiin dadka Shacabka ah, wuxuuna intaa ku daray in biyaha wabiga Nile-ku ay Masar uga dhigan yihiin geeri iyo nolol, isla markaana aan la taaban karin, isaga oo ka hadlayey biyo xireenka ay Ethiopia dhawaan sameysay.

Sidoo kale, waxa uu ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo adag oo ay dhulka ku dhigi doonaan Ethiopia, haddii ay dhacdo in lasii wado xadgudubka qaawan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada