MUUQAAL: Mareykanka oo mar kale Kuuriyada Waqooyi u hanjabay

MUUQAAL: Mareykanka oo mar kale Kuuriyada Waqooyi u hanjabay

daajis.com:-  Safiiradda Mareykanka u fadhida golaha ammaanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ayaa hoggaanka Kuuriyada Waqooyi uga digtay in gebi ahaan ba la burburinayo haddii uu dagaal qarxo.


Nikki Haley oo ka hadashay shir deg deg oo golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku yeesheen magaalada New York ayaa ugu baaqday dhamaan dalalka caalamka inay jaraan xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee kala dhaxeeya xukuumadda Pyongyang.

Ms Haley ayaa intaa ku dartay in madaxweyne Trump uu horay ugu booriyay dhigiisa dalka Shiinaha inuu joojiyo saliidda ceyriinka ee uu Shiinaha u dhoofiyo dalkaasi, kadib markii labada madaxweyne ay ka wada hadleyn tijaabadii gantaal ee ay sameesay Kuuriyada Waqooyi. Trump ayaa horay u sheegay in cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogi doono Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa shalay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaallada ballistic loo yaqaanno ee qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo gaari kara dhammaan qaaradda uu Maraykanku ku yaaallo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada