Daawo Video: Donald Trump oo Weerar Ku qaaday Raysalwasaaraha UK, Kadib Muuqaal uu faafiyey oo xiisad dhaliyey

Daawo Video: Donald Trump oo Weerar Ku qaaday Raysalwasaaraha UK, Kadib Muuqaal uu faafiyey oo xiisad dhaliyey

daajis.com:- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay in ay diiradda saarto argagixisada UK ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.

“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu yidhi Trump.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaal ay onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.

Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”.

Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin “xiriir khaas ah”.

Trump muuqaalka uu sii faafiyay waxaa soo dhigay markii hore Jayda Fransen oo ah hogaamiye ku xigeenka kooxda Britain First, kuwaas oo uu aasaasay qof horay uga tirsanaan jiray xisbiga BNP.


Fransen ayaa Britain lagaga soo oogay dacwado ah in uu adeegsaday erayo “goodin ah, wax u dhimitaan ama cay ah.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan “in halistani ay tahay mid dhab ah oo loo baahan yahay in laga wada hadlo”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada