Munaasabada Dhalashada Nabi Muxamad(NNKH) awgeed oo loo fasaxay shaqaalaha dowlada

Munaasabada Dhalashada Nabi Muxamad(NNKH) awgeed oo loo fasaxay shaqaalaha dowlada

daajis.com:- Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday  maanta  oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa  sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH) darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.
Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada