Muxuu ahaa Itoobiyaankii kasoo dhex muuqday Muuqaalkii ay soo duubtay Daacishta Somalia?

Muxuu ahaa Itoobiyaankii kasoo dhex muuqday Muuqaalkii ay soo duubtay Daacishta Somalia?

daajis.com:- Ururka Daacish qeybtiisa Buuraha Galgala ee Bariga Somaliya ayaa soo duubay muuqaal ay ku hanjabayaan in ay weerari doonaan goobaha dadweynaha iyo dowladda ee Degaannada Maamulka Puntland.

Saddex Qof oo midi Soomaali yahay labana ajaanibyihiin ayaa ka muuqda Muuqaalkan oo ay ku sheegayaan in ay kordhinayaan weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Mid ka mid ah labada Ajaanibta ah ee muuqaalkan ku jira waxaa uu ka soo jeedaa Dalka Itoobiya,waxaana lagu magacaabaa  Abuu Zubeyr Al-Xabashi.


Daacish waxaa ay sheegeysaa in ay kordhineyso howlgallada ay ka fuliso Gobollada Puntland,islamarkaana ay beegsan doonto meelaha muhiimka ah sida meelaha ay dadka isugu soo baxaan.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada