Daawo hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odinga Oo Loo Dhaariyay Madaxweyne

Daawo hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odinga Oo Loo Dhaariyay Madaxweyne

daajis.com:- Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya.

Xaflada dhaarinta oo socotay muddo ka yar toban daqiiqo ayaa waxaa ka maqnaa inta badan madaxda xisbigga mucaaradka sida Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

 “Anigoo ah Raila Amolo Odinga waxaan dhowaaq dheer ku sheegayaa in aan ahay qofka mas’uulka ka ah xafiisa Madaxweynaha Shacabka Jamhuuriyada Kenya.”ayuu yiri Odinga.

Hogaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa ku andacoonayaa in saddex jeer oo xigxigtay doorashooyinkii dalka ka dhacay lagu shubtay waxana u diiday in uu aqoonsado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib u doorashadiisi dhamaadkii sanadkii hore.

Hadal kooban oo uu jeediyay dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.
“halkaani waa akoonka rasmiga ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee kenya” ayuu kusoo qoray barta uu Raila Odinga kuleeyahay twitterka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada