Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta “Soomaaliya kama shaqeyn karo fure aan ahayn dalkugelka 252”

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta “Soomaaliya kama shaqeyn karo fure aan ahayn dalkugelka 252”

daajis.com:- Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Cabdi Cashur Xasan ayaa Sheegay in aysan suurtogel ahayn in uu dalka ka shaqeeyo fure aan ahayn dalkugalka dalka ee 252 ee soomaaliya isaga oo sidoo kale digniin adag u jeediyey Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Cidkasta oo isku dayda in ay dalka soo gelisa isgaarsiin ku shaqeysa fure aan ahayn 252 in ay wasaaraddu awood u leedahay xanibaad adeeggooda ah ah.

Hadalkan oo uu Wasiirku ku faafiyey Bartiisa facebook-ga ayaa waxa uu sheegay In Wasaaraddiisu ay gacanta ku hayso qorshe dib u habayn balaaran lagu samaynayo qorsheynta Lumberada ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta ka shaqeeya dalka oo ay bilawdeen wadatashiyadiisa

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay dhowaan dhamaystiri doonaan howlaha la xiriira howlgelinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka
Haddalkan ka soo yeeray Wasiirka ayaa waxa uu u muuqdaa mid jawaab u ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland C/wali C/llahi Suufi oo dhawaan  sheegay in uu ku dadaalayo in Somaliland hesho fure dal Isgaarsiineed oo aan ahayn midka 252 ee ay leedahay Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada