La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka

La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka

daajis.com:- La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al Xamaadi, kulankan ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda ku leedahay magaalada Muqdisho.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ugu horeyn la Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay.

Waxaa kulanka looga hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhanka ammaanka, waxaana La Taliyaha uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo tababarada ay ku siiyaan xaruntooda Muqdisho.

La Taliyaha Amniga Qaranka uu ka shaqeynayo sidii Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya isku soo dhoweyn lahaa, iyadoo warar soo baxayo ay sheegayaan inuu jiray kulan Madaxweynaha iyo Safiirka maanta ku qaateen Xarunta Madaxtooyada.

Kulanka Safiirka iyo La Taliyaha Amniga Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan uu La Taliyaha Amniga soo saaray amar ku wajahnaa Taliska Ciidanka xoogga dalka oo ku saabsanaa in aan hub laga saari karin Keydka Hubka, inta laga koontaroolo saanada ciidan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada