Qaabka ay shabaab weerarada uugu fuliyaan Muqdisho

Qaabka ay shabaab weerarada uugu fuliyaan Muqdisho

daajis.com:-  Xoogaga ururka Al-shabaab ee weerarada ku qaada xarumaha Dowladda iyo Hotelada Magaalada Muqdisho waxa ay inta badan waxa ay soo xirtaan Dareeska Ciidanka, hadii ay yihiin Millitariga, Nabad sugidda iyo Booliska.

Markii ugu dambeysay Al-shabaab ay ku weerar tagaan labiska Ciidanka Dowladda waxa ay aheyd 23-kii bishii ina dhaaftay, xilligaasi oo laba weerar ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, weerarka hore waxaa loo adeegsaday qarax Baabuur waxaana uu ka dhacay meel u dhow Taliska xarunta Nabad sugidda, halka kan labaadna loo adeegsaday qarax oo ay daba socdeen rag hubeysan oo isku dayay in ay jiiraan Kontorool laga galo Madaxtooyada.

Markii uu soo dhamaaday Howlgalka ee Ciidamada amniga ay toogteen raggii hubeysnaa ee Shabaab ka tirsanaa, waxaa sawiradii laga qaaday ka muuqatay in ay wateen Dareeskii ugu dambeeyay ee loo qeybiyay Ciidamada Dowladda.

Weerarkaasi kadib ayaa Taliska Booliska waxa ay saraakiisha Gobolada ka codsadeen in ay soo tirakoobaan dhammaan Dareeskii la siiyay, dhammaan Gobolada waxa ay sheegeen in labiskooda uu u dhan yahay marka laga reebo, Taliska Booliska Koonfur Galbeed oo sheegay maqnaansho 10 joog oo ah labiskii cusbaa ee ugu dambeeyay la siiyo Booliska.

Mid ka mid ah saraakiisha Booliska Gobolka Baay ayaa Taliyiihisa u sheegay maqnaansha labiskaasi, ugu yaraan bil iyo bar kahor markii uu dhacay weerarkii Muqdisho, sarkaalkaasi wuxuu ahaa Taliyaha Booliska Magaalada Baydhabo Gaashaanle Dhexe Muqtaar Axmed Ibraahim, waxaana uu sameeyay wixii awoodiisa gaarsiisaneyd ee ah inuu Taliyihiisa gaarsiiyo maqnaanshaha labiskaasi, Gen. Mahad C/raxmaan Aadan oo ah Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed.

Gaashaanle Dhexe Muqtaar Axmed Ibraahim ayaa sheegay in labiska uu ku haray magaalada Muqdisho, wuxuu bixiyay magacyada laba ka mid ah saraakiisha Koonfur Galbeed oo uu sheegay in iyaga ay Muqdisho ka ambabixiyeen dharkaasi, labadaasi sarkaal mid ka mid ah waa Korneel Aadan Baariyow Taliyaha Tababarka Booliska Koonfur Galbeed, halka kan kalena uu ahaa Laba Xidigle Cali Aadan oo la sheegay in uu Muqdisho u soo diray Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed si uu dharka u soo gudoomo.

Aadan Baariyow oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inuu joogay halkii dharkan lagu bixinayay oo aysan waxba ka maqneyn xilligaasi, balse markii dambe uu maqlay in dhar ay maqan yihiin, welina aanan waxba la iska weydiinin.

Laba Xidigle Cali Aadan oo dhankiisa arrinatan si kooban uga hadlay ayaa yiri “Arrimahaasi waa arrimo ciidan, waa arrimo Boolis, Afhayeenka Booliska waa joogaa, wax aan ka hadlo magaranayo, cidii dharka soo qaaday iyo cidii saxiixday xafiisyada Booliska ayay yaalaan.” Ayuu yiri.

Hadaba su’aalaha muhiimka ah ee u baahan in la is weydiiyo ayaa ah Maxaa talaabo ah oo Ciidanka Booliska ay qaadeen ? kadib markii uu digniintan bixiyay Gaashaanle Dhexe Muqtaar Axmed Ibraahim, su’aal kale ayaa ah ma cadahay in dharkaasi loo adeegsaday weerarkii dhacay bishii Febraayo 23-keedii ?

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaan wadaan, welina ay wadaan xaqiijinta falkaasi, hadana aysan bixin karin macluumaad dheeraad ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa yiri “Wax warbixin ah ma jiraan, waala baarayaa, guddi ayaa maqan saraakiil ayaa la diray, waala baarayaa, baaritaanka wixii ka soo baxa ayaan ku camal faleynaa.
Shabaabkii ka dambeeyay weerarkii dhacay 23-kii bishii Febraayo ayaa waxa ay ahaayeen ilaa 5 qof, taasina waxa ay ka dhigan tahay in weli Al-shabaab ay heystaan ugu yaraan ilaa Shann joog, hadii ay dhab tahay in Tobanka joog ee ka maqan Koonfur Galbeed ay gacanta u galeen Shabaab.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada