Sucuudi Carabiya oo maanta laga daawanayo Filimkii ugu horeeyay kudhawaad mudo 40 sano ah.

Sucuudi Carabiya oo maanta laga daawanayo Filimkii ugu horeeyay kudhawaad mudo 40 sano ah.

daajis.com:- Boqortooyada Sacuudiga ayaa sii deysay filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ku dhawaad 40 sano, kadib isbedel weyn oo dalkaasi uu geliyay ninka leh dhaxalka Maxamed Bin Salmaan.

Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga iibsaday online ka hor dhowr daqiiqo iyadoo si degdeg ay u dhammaadeen, waxaana Sacuudiga dhowaan booqday jileyaal caan ah oo ka socda Hollywoodka.

Xayiraada saarneyd shineemooyinka oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda ayaa laga qaaday Sucuudi Carabiya sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa la arkayay bilowga olole balaaran oo lagu doonayay in lagaga dhigo Sucuudiga wadan leh xeebo loo dalxiis tago, taas oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee hiigsiga 2030 ee dalkaas.

Isbadeladan ayaa waxaa hoggaanka u haya dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo dhawaan u tagay Maraykanka socdaal dhaqaalaha la xiriira. .
Isbaddeladan ayaana waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay shineemooyin u soo daawadaan kuwooda dalxiiska u baxaa.


Go’aanka ay Sacuudi Caraabiya ku gaartay in ay joojiso mamnuucista shineemooyinka ayaa qayb ka ah is beddel weyn oo ijtimaaci ah.

Sida dalalka kale ee bariga dhexe, Sacuudiga waxaa ka buuxa dad dhallinyaro u badan. Badi 32-ka malyan ee qof ee ku nool, waxay da’doodu ka yar tahay 30 sano.

Xigasho BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada