Daawo Sawirro:- Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Brussels

Daawo Sawirro:- Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Brussels

daajis.com:- Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxa uu ka bilaawday magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirka oo ay ka qeyb gelayaan qaar kamid ah madax dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlayaa ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo kamid ah masuuliyiinta madasha shirka kusugan ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlayo guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saari doono dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada