Madaxwayne Uhuru Kenyatta; ”Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajaaniib ah”

Madaxwayne Uhuru Kenyatta; ”Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajaaniib ah”

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qudba uu u jeediyay shacabka dalkiisa waxa uu ku soo hadal qaaday xaalada dalka Soomaliya isagoo sheegay in dad aan u dhalan wadanka Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in gobolka uusan ammaan noqoneyn illaa dalka Soomaaliya uu noqdo dal xasiloon.

“Gobolku ma aha nabad,Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajnabi ah kuwaasoo wiiqa dowlada isla markaana kala qeybiya shacabka Soomaaliyeed,waxayna halis ku yihiin kuwaas in dib loo celiyo guulaha ay gaareen AMISOM.”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo aan carabka ku dhufan dadka ajaaniibta ah ee dhibka ku haya dowlada Soomaliyeed.

Madaxweynaha Kenya ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan kaalmada ay dowladiisku ka geysanayaan xasilinta dalka Soomaaliya illaa dalka Soomaaliya ay dowladeedu noqoto mid awood leh.

“Walaalaheena Soomaaliyeed haddii horumar gaaraan annagana waa horumaraynaa, haddii ay amni helaan annagana waan heleynaa, waa siyaasadeena in aan ka caawino sidii ay u heli lahaayeen nabada iyo barwaaqada ay caanka ku ahaayeen.”ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha dalka Kenya oo qudbadiisa ka jeedinayay baarlamaanka dalkiisa ayaa waxaa uu sidoo kale ugaga hadlay xaaladaha ka jira gudaha dalka Kenya iyo caalamkaba.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada