Madax goboleedyada oo WAR cusub ka soo saaray wada-hadalka ayaga iyo DF

Madax goboleedyada oo WAR cusub ka soo saaray wada-hadalka ayaga iyo DF

daajis.com:- Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada(GIDG) oo maanta ka soo jawaabay dalabkii aqalka sare ee ahaa inay soo magacaabaan wasiirro arrimaha khilaafka jira kala hadlo dowladda federaalka aha ayaa sheegay inay ka mahadcelinayaan sida golaha uga go’antahay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Golaga iskaashiga waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo doorka dhexdhexaadimeed ee aqalka sare iyo inay sidoo kale tahay waddo lagu gaari karo xal u helidda khilaafka jira.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada(GIDG) oo xusuusiyey aqalka sare ogaalkooda ku saabsan war-murtiyeedka ay GIDG ku qeexayaan xudunka ismariwaaga iyo xog uruurintii ay sameeyeen ayaa golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah u soo-jeediyey in uu wada hadal la galo dowladda federaalka ah kadibna wixii go’aan ah oo xal u noqon kara khilaafka uu soo jeediyo, taas oo sida ay sheegeen Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay dhinacooda aqbali-doonaan.
Halkan ka akhriso, qoraalka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo dhameystiran

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada