Dowladda Somaliland oo si aan la fileyn uga hadashay cunaqabateynta hubka Somalia ee la kordhiyay

Dowladda Somaliland oo si aan la fileyn uga hadashay cunaqabateynta hubka Somalia ee la kordhiyay

daajis.com:- Maamulka Somaliland ayaa si cajiib ah kaga hadlay cunaqabateynta hubka ee muddada sanadka ah lagu kordhiyay dowladda Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin cunaqabateynta hubka ee mudada sanadka ah loo kordhiyay, sida qoraalka lagu sheegay.

Waxay qoraalka ku taageereen warbixintii laga gudbiyay dowladda Soomaliya, waxaana ay sheegeen in Soomaaliya awood iyo xirfad aysan laheyn inay xakameyso hubka gacanta u gala.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in hubka loo gacan geliyo dowladda Soomaaliya uu qatar weyn ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda lagu sheegay.

Somaliland ayaa walaac ka muujisay dowladaha hubka Siiya dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay qatar tahay in kooxaha argagixisada ay gacanta ku dhigaan, taasina halis kale ay ka imaan karto.
Ugu dambeyn waxay sheegeen in cunaqabateynta hubka uu u wanaagsan yahay amaanka gobolka loona baahan yahay in lasii kordhiyo ilaa dowlad awood badan ay ka imaaneyso.

Waxay IGAD iyo caalamka ka dalbadeen inay ka shaqeeyaan dib usoo celinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo ay sheegeen in amaanka gobolka wax weyn uu ka tari doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada