Maxay ka wada hadleen Farmaajo & Amiirka dalka Qatar?

Maxay ka wada hadleen Farmaajo & Amiirka dalka Qatar?

daajis.com:- Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’iido u leh.

Madaxweynaha oo uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjireheenna dalkan Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada