Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Nabar la filayey naxdin ma leh

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Nabar la filayey naxdin ma leh

daajis.com:- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid go’aanka uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ku xalaaleeyay kursigii loo doortay Yaasiin Farey.

Cabdiraxmaan ayaa go’aanka kursiga loogu xalaaleeyey Yaasiin Farey ku sheegay inuu yahay “nabar la filayey naxdin ma leh”, taasi oo ka dhigan in hore loo filayay go’aan noocan ah uu soo saaro guddiga, oo sida la fahamsan yahay gacanta ku hayso Villa Somalia.

Tallaabada guddiga ay qaadeen ayaa sidoo kale waxa uu ku sheegay in labo ujeedo midkooda u xaqiijinayaan Farmaajo, kuwaasi oo kala ah; in lagu banaysto kuraasta loo boobayo Farmaajo iyo in jid-gooyo loogu dhigto kuraasta lagu boobo degaannada gacantiisa ka baxsan.

“Haddii tan hore socon wayso waa in doorashada oo idil la foolxumeeyo, Farmaajana sheegto in doorashooyinka dalka la boobay, natiijadeedana aan la aqbali karin, eedana dusha ka saaro Rooble iyo dawlad goboleedyadda,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray in marnaba madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan aqbaleyn doorasho hufan oo si daah-furan loogu tartamo.

“Waxaa ii muuqda qolo damac wado, iyo kuwo lagu yiri yaan lagu duufsan, welina dabinnada la qoolayo fahmin, laakiin uu waagu ku baryi doono mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceeen. Dalkaan dawadiisu waa doorasho hufan, daahna furan, ama dadkoo talada loo celiyo.”

Hadalkan ayaa imanaya saacado un kadib markii uu maanta Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban uu shaaciyey in doorashada kursiga HOP#067 ee uu ku guuleystay Yaasiin Farey loo maray habraac sax ah.

Guddiga ayaa sheegay baaritaan dheer kadib ay go’aamiyeen in doorashada kursigaas loo maray hab raac saxan, wuxuuna guddiga sheegay in ergada doorashada kursigaan ay yihiin kuwa saxan oo ay soo xuleen odayaasha u diiwaan gashan wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Guddiga ayaa sheegay in Nabadoonka saxda ah ee Beesha kursiga iska leh uu yahay Nabadoon Maxamed Cabdi Shiddo, islamarkaana ay soo ogaadeen in Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) uu kamid ahaa ergadii sanadkii 2016 soo dooratay kursiga HOPP#67, islamarkaana uu liiska ergadaas kaga jiray Nambarka 12-aad.

Nabadoon Cali Jeesto ayuu guddiga sheegay inuu kamid ahaa Odayaashii ka qeyb-galay dhismaha Maamulka Galmudug sanadkii 2015, shirkaas oo uu kaga qeybgalay caaqil ku xigeenka Beesha Waceysle, sida ku cad Documentiyo uu guddiga sheegay inuu helay.


Guddiga doorashada heer Maamul Goboleed ayaa maanta wixii laga bilaabo u fasaxan yahay ku dhawaaqista natiijada doorashadii kursiga HOP#067, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada