Haweenay Al-Shabaab tababartay oo ka qeyb gashay dhoolatuska ciiddanka milatariga Kenya

Haweenay Al-Shabaab tababartay oo ka qeyb gashay dhoolatuska ciiddanka milatariga Kenya

daajis.com:Haweeney looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Talaadadii lagu xiray deegaanka Tinderet, ee gobolka Nandi.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda dambi baadhista, George Kinoti, askarta bilayska ee fadhigoodu yahay saldhiga Soghor ayaa xabsiga u taxaabay haweenaydan.

“Haweeneydu waxay u sheegtay dambi-baarayaasha inay Soomaaliya ku sugnayd laba sano, iyadoo sheegtay in ay Alshabab ka afduubteen deegaanka Kilifi, sannadkii 2019,” sidaas waxaa yiri dambi baare George  Kinoti.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in haweenaydu ay qiratay in la baray xirfado ku saabsan maaraynta hubka, afduubka, isticmaalka walxaha qarxa iyo sidoo kale xirfado kale.

Laamaha dambi baaristu waxay sheegeen in tuhmanaha la sheegay in ay ka qayb gashay dhoolatuska qoritaanka askarta cusub ee milatariga Kenya, ee dhawaan la soo gebagabeeyey.

Xarigeeda ayaa imaanaya maalmo kadib markii madaxweynaha Kenya uu amar ku bixiyay in amaanka guud ahaan la adkeeyo kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay dalka Uganda oo dad badan ay ku dhaawacmeen.

Dawladdu waxay sidoo kale kula talisay Kenyanka inay feejignaadaan gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin meelaha dadku ku badan yahay iyadoo loo eegayo khataraha argagixisanimo ee firfircoon.

Hiiraan Online






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada