In ka badan ​​40 dal oo laga helay nooca cusub ee Karoonaha ee Omicron

In ka badan ​​40 dal oo laga helay nooca cusub ee Karoonaha ee Omicron

daajis.com:- Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka digtay in nooca cusub ee fayraska corona ee Omicron ay u badan tahay inuu dhaawaco ka soo kabashada dhaqaalaha adduunka ee uu horseeday fayraska.

Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in nooca cusub ee cudurku uu wiiqi doono kalsoonida, iyo in saadaasha koboca dhaqaalaha.

Wararka ayaa sheegaya in Omicron laga helay ku dhawaad ​​40 wadan.

Saynis yahano ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in nooca cusub ee fayraska korona uu u muuqdo inuu faafo wax ka badan laba laab marka loo barbardhigo noocii hore ee loo yaqaanay Delta. Inkastoo la sheegay in baaritaankan aanan dib u eegis lagu sameyn, waxayna cilmi-baarayaashu sheegeen in hubaal la’aan badani ku jirto xogta ilaa hadda la shaaciyay.

Arrinta la yaabka leh ayaa in si weyn uu isu baddalayo, Prof Tulio de Oliveira, oo ah agaasimaha xarunta ka falcelisa cudurrada safmarka iyo hal-abuurka ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in uu jiro “is-beddel aan caadi ahayn” oo “aad uga duwan” noocyada kale ee horey ula wareegay dunida.




“Noocan cusub ayaa naga yaabiyay, si weyn ayuu sare ugu kacayaa, waxaana ka fileynayaa isbaddallo dhowr ah”






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada