Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo deg deg Maanta imaanaya Muqdisho

Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo deg deg Maanta imaanaya Muqdisho

daajis.com:-Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Cali Guudlaawe Xuseen.

labada Madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay Magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah.

Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay  khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya RW Rooble iyo Farmaajo kaas oo gaaray meeshii ugu sarreysay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee Hir-Shabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble si xal buuxa loo gaaro.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada