Shirkadda DIGNITAS oo soo saartay qalab yaab leh iyo muran ka dhashay

Shirkadda DIGNITAS oo soo saartay qalab yaab leh iyo muran ka dhashay

daajis.com:-  Shirkad Dignitas ayaa soo saartay aalad cusub oo qofka uu naftiisa ku goyn karo iyadoo sheegtay in qalabkaasi isticmaalkiisa laga bilaabayo dalka Switzerland sanadka soo socda

Garyaqaan ay qabsadatay shirkaddan soo saarta qalabka Sarco ayaa sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo dalkaasi ka jira oo ay baalmartay, taasoo micnaheedu yahay sharciga dalkaasi uu ogolyahay in shirkadda caynkan ah ay shaqo gasho.

Balse garyaqaano kale ayaa kasoo horjeedsaday aragtida sharciyeed ee garyaqaankan ay shirkadda qabsatay.

Noocan isdilka ah ayaa qofka waxaa dookh loo siinayaa inuu nafta iska jaro, sharci ayayna ka tahay dalka Switzerland, iyada oo 1,300 qof ay sidaas nafta isaga jareen sanadkii 2020-ka.


Isdilka iyo qaabka kale ee dhaqtar uu qofka ku mudayo irbad nafta qofka ka jarta ayaa ah kuwa mamnuuc ka ah dalal badan.


Switzerland qofka waxaa la siinayaa dhawr nooc oo dareere ah, kuwaasoo marka uu qofka cabbo ay markiiba nafta dhaafayso. balse Qalabkani cusub oo meel kasta lagu rakibi karo ayaa ka duwan sidaas, waxaana lagu shubay maadada ama Nitrogenka, kaasoo si dhaqso ah hoos ugu dhigi kara heerka neefta qofka illaa ay naftu dhaafto.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada