Ujeedada safarka ERDOGAN ee QATAR oo la ogaaday

Ujeedada safarka ERDOGAN ee QATAR oo la ogaaday

daajis.com:- Sida ay xaqiijisay xukuumadda Ankara, madaxweyaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa safar laba cisho ah ku tagaya magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar si uu ula kulmo amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Wafdi hordhac u ah safarka Erdogan ayaa gaaray magaalada Doha, waxaana halkaas ka socota qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Ujeedada safarka Erdogan ayaa la sheegay inay tahay ka qaybgalka shirka 7-aad ee guddiga istiraatiijiyadda sare ee Qatar iyo Turkiga oo soo bilawday sanadkii 2015-kii markaas oo labada dowladood ay kala saxiixdeen mashaariic waaweyn.

Heshiiska ay Doha iyo Ankara kala saxiixdeen ayaa waxay taabanayeen qeybaha kala ah Ganacsiga, Maalgashiga, Gargaarka, Cayaaraha, Hormarinta, Caafimaadka & Arrimaha Diinta sida lagu daabacay Bogga Taleefishinka Aljazeera ee Qatar laga leeyahay.

Sidoo kale, Erdogan ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago saldhigga Militari oo uu keliya Turkiga ku leeyahay Khaliijka Carabta, kaasi oo ku yaalo dalka Qatar, halkaas oo ay ku sugan yihiin boqolaal ka tirsan ciidamada Turkiga.

Kulanka labada madaxwene kadib ayaa waxaa la filayaa in dalka Qatar laga soo qaado boqolaal ka tirsan ciidamada dalkaas oo tababar lagu siin doono gudaha Turkiga, waxayna ciidamadaas tababar ku qaadan doonaan 36 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Qatar.


Qatar waxa ay martigelineysaa madaxda Sacuudiga & Turkiga oo xiriirkoodu xumaaday kaddib markii Wariye Jamal Khashoggi lagu dilay Istanbul 2dii October 2018, Xukuumadda Erdogan ayaa si toos ah ugu eedeysay Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan in uu ka dambeeyay falkaas.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada