Burtinle :- Maxkamad ku taalla Puntland oo xulun dil ah ku fulisay Oday Da’ah

Burtinle :- Maxkamad ku taalla Puntland oo xulun dil ah ku fulisay Oday Da’ah

daajis.com:- Maxkamadda darajada 1aad ee Magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay Xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin Oday ah oo lagu Magacaabo Sahal Xasan Maxamed Gurey kaddib markii ay ku heshey in uu diley wiil dhallinyaro ah.

4-tii Bishaan ayaa Sahal waxaa ay Maxkamadda Magalaada Burtinle ku riday xukul dil toogasho ah kadib markii uu ku cadaaday dilka marxuum  bishaar jaamac Faarax oo kamid ahaa Bulshada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Goobta fagaaraha ah ee Maanta lagu toogtay Sahal Xasan Maxamed Gurey ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Burtinle , Garsoorayaal, kaaliye yaasha maxkamadda , Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland , ehelada labada dhinac iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada .


Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad Baraha Bulshada looga hadal haayay Kiiska Sahal, waxaana dad badan ay dalbanayeen in la iska cafiyo maadaama uu yahay Oday da’ah hadana muruq maal ah.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada