Ciidanka dowladda oo sameeyay howlgal lagu qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka dowladda oo sameeyay howlgal lagu qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

daajis.com:- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo katirsan qeybta 27aad ayaa howlgallo culus waxaa ay ka sameeyeen wadada xiriirisa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 4aad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle Gaab, Abaan duulaha qeybta 27aad
Saalax Yaquub iyo Saraakiil kale, waxaana howlgalka uu isugu jiray mid ay ku baarayeen miinooyinka dhulka la geliyo iyo Gaadiidka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu qabqabtay Xubno katirsan Al-Shabaab, Miinooyin ay Aasayaeen iyo Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, kaas oo weerar lagu fulin rabay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalkaan uu daba socdo howlgallo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Kumaandooska DANAB ka sameeynayeen degaannada, Xawaadleey, Jameeco iyo degaano kale.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee Ciidamada dowladda Saalax Yacquub ayaa sheegay inay howlgalka ku gaarsiiyeen Al-Shabaab khasaao, isla markaana ay ka dileen 28 dagaalyahan.

Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro iyo qaraxyo mas’uuliyiin lagu dilay, iyada oo Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle ka go’een maritaanka Wadadaas.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada