Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Alshabaab ku qaaday saldhig ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Qalimow

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Alshabaab ku qaaday saldhig ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Qalimow

daajis.com:- Wararka ka imanaya deegaanka Qalimow oo qiyaastii 30km dhinaca Koofur ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in xalay ay weerar ku qaadeen dagaalamayaasha Alshabaab saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Qalimow halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoog leh.

Dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada ayna ku dhaawacantay mid ka mid ah dadka rayidka ah ee degen deegaanka Qalimow.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamo saarnaayeen oo ka soo tegey magaalada Jowhar ay miino la qaraxday iyadoo labo kamid ah ciidamadii saarnaa gaariga ay dhinteen labo kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Lama oga qasaaraha ka soo gaaray dagaalamayaasha Alshabaab dagaalka ka dhacay Qalimow,mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada