Halkee ku dambeysay xiisaddii Boosaaso ee Deni iyo reer Diyaano?

Halkee ku dambeysay xiisaddii Boosaaso ee Deni iyo reer Diyaano?

daajis.com:- Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Puntland ayaa xog-uruurin ay soo saartay isniintii ku sheegtay in xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay ka dhaceen magaalada Boosaaso, isla markaana ay waxyeelo soo gaartay nolosha iyo hantida dadka rayidka, iyada oo ku baaqday in la bixiyo mag-dhow iyo weliba in laga hawlgalo qaadista haraadiga walxaha qarxa.

Inkasta oo ay hey’addan ay ka gaabsatay iney carabka ku dhufato khasaaraha, hadana wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka socday 21-23-kii December 2021 ay ku naf waayeen in ka badan 30 qof.

Saddexda maalin ee qalalaasaha socday waxaa dhibka ugu badan, uu gaaray xaafadda Riwdaan ee xeebta Boosaaso ah, halkaas oo ay u badan yihiin dad kaluumeysato iyo xoogsato kale ah.

Saameynta dagaalka waxaa uu gaaray heer ay xeraynto dekadda ugu muhiimsan bariga iyo bartamaha Soomaaliya ee Boosaaso, waxaa sidoo kale albaabada loo laabay suuqyada magaalada.

Waxaa sidoo kale, dagaalka ku burburay masaajiyo, iskuulkii Xaaji Mire iyo goobo kale oo qaarkood ay gabbaad ka dhigteen ciidamada dagaalamayey.

Boosaaso, oo ah magaalo ganacsi, nabadna aheyd wixii ka dambeeyey xilligii Cabdullahi Yuusuf ayaa kumannaan dadkeeda ah waxaa ay u qaxeen Garoowe, Carmo, Karin, Ufureyn, Badhan, Waaciye iyo meelo kale oo ka fog, taasi oo  nolosha adkeysay.

Dhanka siyaasadda, dadaallo kala duwan oo ay galeen isimada iyo siyaasiyiin u dhashay Puntland ayaa muuqato in madaxweynaha maamulka Saciid Deni lagu qanciyey inuu faraha kala baxo reer Diyaano iyo PSF-tooda, waxaana la filayaa in arrintan loo xaliyo qaab dhaqan, gorgortankuna uu raalligeliyo labada dhinac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhexdhexaadinta ay qeyb ka noqon karto in Maxamuud Cabdulaahi  Diyaano uu xilka ku wareejiyo walaalkii ka yar, taasi oo ka dhigeysa haddii ay dhacdo Diyaanihii 4-aad ee madax ka noqda PSF.

Xiisadda ayaa bilaabatay kadib markii qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid November 24, 2021 xilka looga qaaday Maxamuud Diyaano, loona dhiibay Maxamed Amiin Cabdullahi Xaaji taas oo ninka hore ka biyo-diiday halka dagaalka uu bilowday kadib markii Isimada qaar ay Deni kula taliyeen in Diyaano xilka wareejiyo laakin loo daayo deegaanka iyo waxyaabo kale, middan uu madaxweynaha iska diiday.


Ciidamada PSF-ta oo aan dastuuri ama sharciyad ku fadhin waxaa ay qeyb ka yihiin hey’adaha ay dhiseen hey’ado ama dowladaha shisheeyey, mana jirto cid ay daacad u yihiin ama la xisaabtanto oo aan hey’adahaasi aheyn.

Haddaba, inkasta oo uu dagaalka istaagay, lagana war sugayo guddiyada wada-xaajoodka, hadana waxa aan jawaab loo heyn maxay aheyd sababta dagaalka loo galay, dadkii dhintay maxay ku dhinteen, hantidii baaba’day sabab, barakicii dhacay yaa loo raacan iyo arrimo kale.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada