Safiirka cusub ee Mareykanka oo Muqdisho yimid iyo tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo

Safiirka cusub ee Mareykanka oo Muqdisho yimid iyo tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo

daajis.com:- Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Larry Andre ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, ku dhowaad sanad kadib markii la magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda.

Qoraalka safaaradda oo lasoo dhigay Twitter ayaa lagu yiri “waxaan ku faraxsannahay inaan ku dhowaaqno imaatinta Danjire Larry Andre.”

“Waxa uu aad u daneynayaa inuu si iskaashi leh ula shaqeeyo shacabaka Soomaaliyeed, dalkooda iyo dowladda federaalka, si loo horumariyo hadafyada aan wadaagno ee dib usoo nooleynta Soomaaliya oo ah qaran ammaan, barwaaqo iyo dimoqraadi ah.

Danjiraha cusub ayaa Soomaaliya imanaya ayada oo ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muran aan dhammaad laheyn oo hareeyey doorashada xildhibaanada, taasi oo si cad loo musuq-maasuqayo.

Tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo safiir Andre ayaa la filayaa inay noqoto inuu madaxda Soomaalida ku cadaadiyo inay doorashada golaha shacabka kusoo dhameynayaan waqtiga ay dowladda Mareykanka u qabatay oo ah 25-ka Febraayo.

Dwladda Mareykanka ayaa horey ugu hanjabtay inay xayiraado la beegsan doonto kuwa carqaladda ku ah doorashooyinka Soomaaliya, haddii aan doorashada lagu soo dhameyn waqtiga loogu-talo-galay.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” waxaa sidaas horey u yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price.

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Safiir Larry Andre ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda dowladda federaalka, oo uu ugu horeyn doono madaxweyne Farmaajo, si uu warqadaha aqoonsi ugu gudbiyo.


Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa 18-kii December ansixiyay in Larry Edward Andre, Jr. uu noqdo Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna beddelay danjire Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.

Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April 2021 magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay.

André ayaa hore u ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada