daajis.com:- Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Ciidamada Xoogga dalka uga digay inay ku milmaan siyaasadda, isaga oo sidoo kale ugu hanjabay in laga qaadi doono tallaab ciddii ay ku caddaato.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraalkan soo dhigey bartahiisa bulshada;
“Iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, ama loo adeegsado siyaasadda. Cidii ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa talaabo waadaqasan shuruucda dalka” ayuu Cabdulqaadir Maxamed Nuur ku qoray bartiisa gaarka ah.
Qoraalka uu soo saaray wasiirka gaashaandhigga ayaa ku soo beegmeysaa xilli ay socoto doodda ku saabsan cidda mas’uulka ka noqoneysa amniga dalka, taas oo ka dhalatay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:35 and have
, Published at