Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Dowladda

Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Dowladda

daajis.com:- Wiil Dhalinyaro ah kana tirsanaa Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Cusmaan Cabdi Kuusow ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee ka howlgasha degaannada Koonfur Galbeed.

Cusmaan ayaa Al-Shabaab ku jirey 6 sano isagoona uqaabilsanaa dagaalada, wuxuna ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Saaxibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab ugu baaqey in ay isku soo dhiiban Dowladda isagoona intaas ku darey in Maanta Al-Shhabaab ay san ajeyn kuwa laga sii mid ahaado.


Shalay ayay aheyd markii Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabab u isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee kusugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada