Dowladda Imaaraadka Carabta oo diyaarad Sida gargaar soo gaarsiisay Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabta oo diyaarad Sida gargaar soo gaarsiisay Muqdisho

daajis.com:- Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo dejisay Macaawino gaareysa 26-tan, oo isugu jirta Cuntooyinka nuucyadeeda kala gedisan.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde haatan ku sugan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha Dalka Khadiijo Maxamed diiriye iyo wasiiro kale, si ay ula wareegaan Macaawinada.

Imaaraadka Carabta ayaa horay u ballanqaaday In ka qeyb qaadanayaan samatar bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta daran ku yeelatay abaarta dan ee ku dhuftay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Gurmadkaan ay dowladda Imaaraadka Carabta soo gaarsiisay Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafkii soo kala dhexgalay Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Imaaraadka Carabta oo dhowr sano ka hor joojisay howlihii ay ka waday Soomaaliya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada