Howl-galada AMISOM iyo DF oo ku heshiiyey qorshaha wax ka bedelka shaqada AMISOM

Howl-galada AMISOM iyo DF oo ku heshiiyey qorshaha wax ka bedelka shaqada AMISOM

daajis.com:- Howl-galada AMISOM ayaa la kordhiyey ilaa bisha March ee sanadkaan, kadib markii ay si wada-jir ah isugu afgarteen Soomaaliya iyo Midowga Afirka, sida ay mustaqbalka dhow noqoneyso shaqada iyo howl-galada AMISOM.

Waxaa la isku afgartay oo kale in shaqada ugu weyn ee howl-galka ay noqoto markaan dagaalka ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, ayada oo loo helayo maal-gelin cad, si howshaas loo dardar-geliyo.

Guddiyo farsamo oo labada dhinac ah ayaa ka fariisan doona Januray 10-keeda, ayaga oo muddo 30 maalin ah kusoo afjari doona qorshaha iyo qaabka uu noqonayo howl-galka ee ay ku heshiiyeen, kaasi oo la hordhigi doono February 11-keeda golaha nabadda iyo amniga ee midowga Afirka.

Soomaaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyey waxaa ay wadday qorshaha kala-guurka ee loo yaqaan Somali Transition Plan (STP), wuxuuna qorshahan dhigayaa in AMISOM ay Soomaaliya sii joogto ilaa 2023, iyada oo Soomaalidana si aayar ah loogu wareejiyo meelaha xorta ah.

Sida ku xusan documtiyo kulan dhex-maray African Union Commission iyo dowladda Soomaaliya oo dhacay 18 illaa 19-kii August ee sanadkii dhamaaday, waxaa meel fiican laga gaaray, la iskuna afgartay hirgelinta qorshaha STP, waxaa lasoo jeediyey la hormariyo hannaanka hoggaanka iyo go’aan qaadashada AMISOM ee heerarka FHQ, iyada oo lala kaashanayo UN-ka iyo beesha caalamkana la dejinayo hannaan isbadal oo la taaban karo.

Waxa kale oo soo jeedintaas qeyb ka ahaa in Soomaalida ay magacawdo kooxo kala shaqeysa Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, midowga Yurub iyo Ingiriiska sidii loo heli lahaa qaabka howl-galada iyo maalgelinta ee wixii ka dambeeya 2021.

AMISOM ayaa dalka soo gashay 2007-dii, waxaana halkii askari ku baxdo bishii ilaa $1,000 oo aaney ku jirin qalab iyo caafimaad, sida la ogyahayna ma gelin wax dagaalo ah 7-dii sano ee ugu dambeysay.

Howl-galka AMISOM ayaa noqday mid fadhiid ah oo ay ku ilaashadan biil uun, ayada oo marba marka ka dambeysana loo soo kordhiyey sii joogitaankooda.

Intii uu socday howl-galka lacag macaashka ah waxay kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegtay goobo xor ahaa, ayada oo argagixisada u xiran yihiin jidad muhiim ah oo ka baxa caasimada ee aada gobolada, halka magaalooyinka iyo degmooyinka qaar aanay adeeg iyo gargaar midna geyn karin xubnaha dowladda federaalka.


Xukuumadda Muqdisho ayaa go’doon ku jirta, waxayna midaasi caddeyn u tahay shaqo fadhiidka howl-galka midowga Afrika iyo marin-habaabinta ururkaasi ee uu howl-galkooda uu 15 sano jirsaday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada