Madaxweyne Guudlaawe oo balan qaad u sameeyay Waxgaradka Beesha Gaaljecel {Sawiiro}

Madaxweyne Guudlaawe oo balan qaad u sameeyay Waxgaradka Beesha Gaaljecel {Sawiiro}

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan la qaatay Nabadoonada Waxgaradka iyo Cuqaasha beesha Gaaljecel.
 
Madaxweynaha waxaa kulankaan ku wehliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana looga hadlay sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen beesha iyo dowladda la iskana kaashan lahaayen nabada Magaalada Beledweyne.
 
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka beeshaan dooorkii muuqda ay ku lahaayeen aas aaska Dowladda Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan Hirshabeelle.
 


Cali Guudlaawe ayaana u balan qaaday waxgaradka uu la kulmay inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Hirshabeelle, waxa uuna kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasilinta Magaalada Beledweyne






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada