Qaraxyo lala eegtay Askar Kenyan ah & khasaaro ka dhashay

Qaraxyo lala eegtay Askar Kenyan ah & khasaaro ka dhashay

daajis.com:- Ilaa laba qarax ayaa Ciidamo katirsan kuwa Kenya ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxaa saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay Aaga deegaanka Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Gaadiid ay saarnaayeen Ciidamada Kenya oo Biyo dhaamin ugu socday deegaanka Kambooni lala beegsaday, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in qaraxyada ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Askari.

Qaraxyada kadib Ciidamada Kenya ayaa furay rasaas farabadan taas oo aan wax khasaaro ah u geysan dadka Shacabka ah, waxaana la sheegay in Ciidamada Kenya ay sii wateen socdaalkooda.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas ayaa sheegtay inay gubeen mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya, hayeeshee waxaan weli qaraxyada ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Kenya ee katirsan AMISOM ee ka howlgalla Gobolada Jubbooyinka ayaa mararka qaar lala eegtaa qaraxyada halka dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah kula wareegay.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada