Sirta Qarsoon:- Wejiyada aan laga fileyn inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab

Sirta Qarsoon:- Wejiyada aan laga fileyn inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab

daajis.com:- Maxkamad milateri oo ku taalla Puntland ayaa Axaddii la soo dhaafay xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo loo haystay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, ayna sanadkii 2021 magaalada Gaalkacyo ku dileen weriye hore, Jamaal Faarax Aadan.

Arrinta lala yaabay ayaa ah in labada nin ee maxkamadda ka hor qirtay inay fuliyeen dilka weriyaha aysan u muuqan kuwa lagu tilmaami karo Al-Shabaabnimo.

Bashiir Cabdullahi Maxamed oo ku magac dheer Cadde iyo Cabdiqani Suleyman Jaamac oo loo yaqaano Sayloor ayaa sheegay inay iyagu si bareer ah u dileen Jamaal, kadib amar ay ka heleen amiirkooda.

Labaduna waa dhallinyaro da'aada labaataneeyada ah, timaha daystay, isla markaana ciyaara kubadda cagta.

Cadde ayaa qiraalkiisa ku sheegay in marxuumka ay xigto dhaw ahaayeen, oo xitaa uu kala qeyb qaatay aaska aabihii Cabdullahi Maxamed. Waxa uu intaa raaciyay in isagu uu ka dambeeyay in Sayloor oo maalmo ka hor gaaray Gaalkacyo uu kala qeyb qaato hawsha dilka weriye Jamaal.

Sayloor ayaa qiraalka ku sheegay inuu ku noolaa Garowe oo qoyskiisa ay u diyaariyeen jaamacad ku taalla Turkiga, Gaalkacya-na uu u tegay inuu soo macsalaameeyo ehaladiisa, kadibna uu ka qeyb qaata falka lagu khaarajiyay weriyaha.

"Cadde ayaa dhammaadkii 2020 igu tashkiiliyay ku biiridda Al-Shabaab, waxaana uu ii ballanqaaday lacag. 50 dollar dhinac buu ii ridaa oo anigu nin balwad leh ma ihi (waa igu filan yahay)," ayuu sheegay Sayloor.


Maxkamadda ayaa labaduna ku xukuntay dil toogasho ah.

Qiraalka labadan dhalinyaro ayaa waxaa ka horreeyay shakhsiyaad kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, balse ay adkeyd in la tuhmo. Waxaa dadkaas kamid ahaa:



Xildhibaan Saalax Badbaado
Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka tirsanaa xildhibaannada baarlamaankii dowladdii kumeelgaarka ahayn ee Soomaaliya ayaa sanadkii 2010 shaaciyay inuu ku biiray Al-Shabaab. Dowladdii uu ka tirsanaa ayuu ku tilmaamay mid aan diinta Islaamka haysan.

26-kii July 2016 ayuu gaari uu watay ku qarxiyay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Muuqaal uu sii duubay inta aanu is qarxin, ayna Al-Shabaab fulisay weerarka kadib, ayuu Saalax Badbaado ku sheegay inuu rumaysan yahay in falkaas uu jano ku galayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay falkaas ayaa ku tilmaamay Saalax Badbaado "nin xukun jeclaa oo moodayay in Al-Shabaab ay qabsan doonto Soomaaliya oo dhan, balse ku hungoobay arrintaas."



Macallin Ilka-Case

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano Ilka-Case ayaa noqday nin ka yaabiyay Soomaali badan, kadib markii uu ka sheekeeyay qaabka isaga oo macallin luuqada Ingiriiska ah ugu biiray Al-Shabaab.

Ilka-Case ayaa qirtay inuu Muqdisho ka fuliyay dilal badan oo khaarajin ah, kuwaasoo loo geystay askar iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maalintii u dhigi jiray iskuulka, habeenkiina uu fulin jiray dilalka khaarajinta ee lagu beegsanaya dadka bartilmaameedka u ah Al-Shabaab.

Ilka-Case ayaa dil toogasho ah lagu fuliyay 29-kii November 2020.

Al-Shabaab ayaa ka taliso deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay in ururkaas uu yahay kan ugu awoodda badan xulafada Al-Qaacida ee Afrika.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada