Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose

daajis.com:- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 7-dagaalyahan oo ka tirsan AlShabaab, tiro kalana ay dhaawaceen, kadib howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ku xeeran magaalooyinka Awdheegle iyo Qoryooley.

“Milateriga Soomaaliya ayaa gobolka ka sameeyay howlgallo lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab. Ciidamadu waxa ay ku guulaysteen in ay ka takhalusaan 7 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo iska caabiyay in ay isa soo dhiibaan oo ay hubkooda dhigaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli shan maalmood ka hor ay Ciidamadu sheegeen inay dileen 28 ka tirsan Al-Shabaab, tiro kalena ay ku dhaawaceen howlgalo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Dhexe.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada