Madaxweyne Biden: Jawaab adag ayay reer Galbeedku ka bixin doonaan haddii Ruushku hub kiimiko ah u adeegsado Ukraine

Madaxweyne Biden: Jawaab adag ayay reer Galbeedku ka bixin doonaan haddii Ruushku hub kiimiko ah u adeegsado Ukraine

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jiri doonto jawaab ay bixin doonaan reer Galbeedku, haddii Ruushku uu hub kiimiko ah u adeegsado Ukraine.

Madaxweyne Biden ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay xarunta Isbaheysiga NATO ee magaalada Brusseles ee dalka Belgium oo uu booqasho ku joogo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Ruushka laga saari doono xubinnimada ururka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee loo yaqaan G20, iyada oo Ukraine lasoo gelin doono booska Ruushka.

Sidoo kale madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday in Mareykanku uu qaadan doono qaxooti gaaraya 100,000 oo ka mid ah dadka ka qaxay Ukraine, isaga oo u duulay dalka Poland, si uu u soo qiimeeyo xaaladda qaxootiga Ukraine ee halkaasi gaaray.

Ruushka ayaanan wali guul muuqata ka gaarin duullaanka uu ku qaaday Ukraine, oo hadda galay bishiisii labaad.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada