Xildhibaan C/rashiid Xidig oo isu soo taagay xilka gudoomiyaha golaha shacabka.

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo isu soo taagay xilka gudoomiyaha golaha shacabka.

daajis.com:- Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Jubaland gaar ahaan Kismaayo ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Xidig ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyay musharaxnimadiisa, isagoo tilmaamay inuu dib ka soo faah faahin doono ajendayaashiisa siyaasadeed haduu kursigan ku guuleysto.

“Mudaneyaal iyo marwooyin anigoo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig waxaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya 2022/2026.” ayuu yiri xildhibaanka.

Xidig ayaa talaabada uu go’aanka u qaatay ku micneeyay sidii uu dalka ugu hagi lahaa wadada toosan, maadaama buu yiri uu heysto waaya aragnimo dheeraad ah, isagoo mudo dheer ku soo jiray hay’adaha kala duwan ee dowladda, si gaara mida sharci dejinta.

“Mudaneyaal iyo marwooyinm baarlamanka federaalka waxaa horyaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarmaan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas darteed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Hadii uu C/rashiid Xidig ku guuleysto xilkan, waxey ka dhigan tahay inuu meesha ka baxayo damaca Deni iyo Farmaajo ee ah iney u tartamaanka xilka madaxtinimo ee dalka, maadaama ay isku reer yihiin marka laga hadlayo qaanada awood qeybsi ee beelaha Soomaalida.

C/rashiid Xidig sanadii 2016 ayuu sidan oo kale isugu soo taagay xilkan walow aanu ku guuleysan, lama oga in talaabadan uu qaaday la ogyahah madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo dhisaya Siciid Deni si uu u noqdo madaxweynaha dalka, iyadoo la ogyahay qaabka uu Xidig kursiga ku soo helay, iyadoo dartiis Kismaayo loogu diiday lataliyaha dhinaca sharciga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Cali Raage oo doonayay inuu la tartamo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada