Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis oo isbitaal la dhigay

Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis oo isbitaal la dhigay

daajis.com:- Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah, si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga Axaddii.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa soo xiganeysay bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada, waxaana warku wuxuu intaa ku daray in uu baaritaan ku marayo cisbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal, iyada oo aan faahfaahin kale laga bixin.

Boqor Salmaan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu sareeya dhoofinta saliidda adduunka sanadkii 2015 kadib markii uu in ka badan 2-1/2 sano ku qaatay xilka dhaxal sugaha iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka.


Boqorka, oo 86 jir ah, ayaa qalliin looga sameeyay xameetida sanadkii 2020, isaga oo sidoo kale galay qalliin dhanka wadnaha ah bishii Maarso.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada