Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geyneysa degaannada Galmudug

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geyneysa degaannada Galmudug

daajis.com:- Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa la filayaa in Ciidamo horleh oo katirsan Booliska Gaarka ah ee Haramcad ay geeyaan degmooyin iyo degaano katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ku dhawaad 200 oo Askari oo katirsan Ciidamada Haramcad laga dejinayo degmada Guriceel, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay degaano hoostaga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen xoogagga Ahlusunna.

Ciidamada Haramcad ayaa lagu xoojin doonaa Amniga Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaas oo dhowr jeer ay weeraro ka dhaceen.


Dhamaan Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xilligaan ku sugan Magaalada Muqdisho ,iyaga oo wada ololo la xiriira doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo i ay dhacdo 15 Bishaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada