James Swan oo golaha amaanka warbixin ka siiyay isbedelka ka dhacay Soomaaliya.

James Swan oo golaha amaanka warbixin ka siiyay isbedelka ka dhacay Soomaaliya.

daajis.com:- Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa ka hadlay isbedelka ka dhacay dalka iyo qorshaha uga degsan wax ka qabashada xaalada bini’aadanimo ee dalkan.

Swan oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee ka dhacay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ugu horeyn mar kale hanbalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay iney ku dadaalayaan sidii ay si dhaw ula shaqeyn lahaayeen.

“Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago” Sidaasi waxaa yiri wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobe ee dalkan ayaa dhinaca kale walaac ka muuniyay xaalada dhinaca nolosha ah ee dalkan, wuxuuna dalbay in cuno ku filan loo helo dadka Soomaaliyeed ee macluusha ku heyso gobolada qaar ee Soomaaliya.


“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso… Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn” Sidaasi waxa yiri James Swan, Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Si kastaba, James Swan ayaa ugu danbeyn sheegay inuu la kulmay dhamaan hoggaanadii dowladsa ee lagu doortay Muqdisho 26-kii bishii hore,27-kii bisii hore iyo 15-kii bishan oo lakala doortay gudoonka Aqalka sare,kan golaha shacabka iyo madaxweynaha, isagol tilmaamay inuu lawada kulmay oo ay balamo dhigteen.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada